Erayo jaceyl ah: Ma u dirtay erayadaan oo kale?

Erayo jaceyl ah oo naxariis badan qaasatan erayo qoraal ah + Sawiro romantic ah, erayo marka aad ku tiraahdo lamaanaahaaga qalbigeeda ama galbigiisa soo jiidanayo, kadibna ay kugu waalaneyso ama uu kugu waalanayo. In aad la wadaagto lamaanaahaaga erayo naxariis badan oo jacayl ah waa habka ugu fudud ee aad ku kasban karto qalbigeeda ama qalbigiisa.

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Shukaansi aanan la socon erayo jaceyl ah qaasatan kuwa naxariis badan waa sida shaax aan sokor lahayn, maxaa yeelay waa qaraar. Intaas waxaa sii dheer, in qofka aad shukaansaneyso uu ku caajiseyso hadaladaada, maxaa yeelay waa hadalo caajis ah.

Sidaa darteed adeegso mar walbaa erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh misana naxariis badan gaar ahaan kuwa soo socdo oo kale. Shukaansiga waxa uu ku bilaawdaa erayo sarbeeb ah, erayadaasina waxa ay isu bedelaan erayo kaftan ah, kadibna kaftankaasi waxaa ka dhalanayo shukaansi aanan caadi ahayn oo qofba qofka kale dhankiisa ka xiiseynayo.

erayo jaceyl, erayo naxariis badan, erayo jaceyl oo macaan, erayo romantic ah

Maalinta ugu horeyso ee ay kula kulmeyso waxa ugu horeeyo ee ay kaa fiirineyso ama uu kaa fiirinayo waa hadaladaada xittaa haddii aad qurux badan tahay. Laakin haddii aad ku dhahdo hadalo macaan gaar ahaan erayo jaceyl ah oo naxariis badan kuwaasoo ku haboon shukaansiga waxaa laga yaabaa in ay jaanis ku siiso ama uu jaanis ku siiyo. Qaladaadka ugu badan ee ay dhalinyarada sameeyaan waxaa ka mid ah, marka ay qofka shukaansanayaan goorta ay hor istaagaan, ma yaqaanaan halka ay ka bilaabi lahaayeen, iskaba daa erayo jaceyl ah oo shukaansi ah.

Si aadan qaladadaadkaasi u sameyn, Qoreyaasha boggeena We Somalia waxa ay ku siinayaan qishash fara badan kuwaasoo wax badan kaa saacidi doono, anagana aan soo tijaabinay.

Erayo jaceyl ah oo macaan

Erayadaan waa erayo jaceyl ah oo aad u macaan waxaana u diri kartaa lamaanahaaga, si aad ugu soo jiidato qalbigeeda/qalbigiisa.

“Marka aad jaceylka ila daadihineyso, waa dareen cajiib ah balse waxaa ka sii cajibsanaan doonto marka aad xaaskeyga noqoto, laabteydana barkin kaaga dhigo.”

“Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan ku  hortaaganahay, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.”

“Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo u yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta oo keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?”

erayo jaceyl oo macaan, erayo jaceyl oo soo jiidasho leh, erayo jaceyl oo amaan ah

Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo inaad mar walbaa ku dhex jirto.

Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.

Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.

Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.

Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khiyaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.

Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.

Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.

Riyadu weey macaan badan tahay laakin waa goortee? Goor kale ma ahan ee waa goorta aan laabteyda kugu heysto.

erayo naxariis badan, erayo romantic ah, erayo naxariis badan oo jacayl ah

Jaceylku wuxuu leeyahay farxad iyo reyn reyn laakin qof walbaa ma dareemi karo marka laga reebo qofka adiga sida dhabta ah kuu jecel. Aniga hadda waxaan dareemayaa farxadaasi, sow xaq uma lihi inaan ku dhaho: Waxaa tahay farxadeyda.

Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax casaan ah.

Midigta waxey kaashataa bidixda indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.

Waxaan kuu soo taagaya gacan Kalgaceyl ee aayar usoo qabso gacanteyda qalbigana geli sidii aanu nahey ul iyo diirkeeda kadib aayar talaabada iila qaad oo isii jaleeco Kalgaceyl waxaan kugu hogaaminayaa beerta raaxada.

“Waxaan rajeynayaa inaad dhinacageyga taagnaan doontid inta nolosheyda ka dhiman, sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. Hadaba aan dhahno haddii aan isla wadaagno nolosha waxaan noqoneynaa dadka aduunka ugu nasiibka wanaagsan.”

Subaxii uma baahni inaan saacadeyda ku xirto ala aarmi si aan u soo kaco, maxaa yeelay waxaad ku nooshahay wadnaheyga.

Fariintani waxay ku socotaa qoftii aan jeclaaday, jaceyl aan xad lahayn. Qoftii qalbigeyga guri ka sameysatay, jaceylkeedana ka dhigtay mid laabteyda suran.

Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo, nafteyda adiga ayeey ku tabeysaa oo ay ku qanacsantahay, iyada oo aanan ka fikireynin culelysyada imaan karaa mustaqablka.

Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo, taas waxaan u leeyahay oo sabab u ah, qalbigayga. Waxaa igu adag joojinta daqiiqadihii aan wada qaadanay, waxaase taa iiga sii adag inaan ku waayo adiga. Xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay.

Dhoolacadeyntaadu waxay ii tahay wehel, wehel oo kaliya iima tihid ee waxaa sidoo kale tahay dareenkeyga. Ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaa. Ma tihid wadnaheyga laakin waxaan diyaar u ahay inaan xanuun walbaa kula dareemo.

Jawigu waa mid aad qurux badan, jaceylkuna waa dareen aad u macaan laakin waa goortee? Iska fahan waa goorta aan aniga iyo adi jaceylka wadajir u daadihino.

somali love words, somali love quotes, somali language

2. Erayo jaceyl oo raali galin ah

Marka uu lamaanahaaga kaa xanaaqo waxaad u baahantahay erayo jaceyl oo raali galin ah sidaa u darteed u dir erayadaan adigoo la eegayo waqtiga ku haboon.

Kama daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo qaali, maxaa yeelay waxaad ku weyn tahay qalbigeyga. Waan ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaada, dareenkaaga laakin waxaan weli ogahay in aan Adiga si dhab ah kuu jecelahay waana sababta igu kalifeyso inaan kuu soo diro eraydaan. Xaq ayaad u leedahay balse ha iloobin inaad tahay dareemaheyga iyo mustaqbalkeyga.

Sida ay wax u dhaceen hadaan isweydiiyo, aniguba ma aqaano waxaan ku jawaabo. Wax walbaa oo aan sameeyay eedeeda waxaa iska leh nafteyda, waana ka cudur daaranayaa xanuunka aan u geystay naftaada. Waxay igu tahay murugo joogto, walaac iyo walbahaar laakin mid ha iloobin, inaan diyaar u ahay raali galintaada Iyo wax walbaa  oo aan ku heli karo farxadaada iyo kalsoonidaada.

Jaceylka dhabta ah ee aan adiga kuu qabo kuma ekaan doono halkaan ee wuxuu noqon doonaa mid sii jiri doonno. Inta ay nafi igu jirto uma hibeyn doono nafteyda ruux aan Adiga ahayn. I aamin, waxaan kuu balan qaadayaa sameynta wax walbaa oo qalbigaaga farxadgelin karo.

Erayo jaceyl oo romantic ah

erayo romantic ah, erayo somali ah, romantic, somali romantic, somali love, romantic

Marka aad rabto in aad noqoto qof romantic ah oo dadka kale ka duwan waxaad u baahantahay inaad adeegsato erayo jaceyl oo romantic ah, sidaa darteed isticmaal erayadaan waqtiga saxda ah.

“Waxaad akhrisataa kaliya fariimaha aan kuu soo diro, balse marka aad wax yar indhaha isku qabato, waxaad arkeysaa anigoo kuu sido ubax casaan ah. (Isticmaal marka aad la kulmeyso, weliba adoo ubax u sido).”

“Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.”

“Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu koriyaa jaceylka, waa ereyo mudan in la xanaaneeyo, adigana waxaad ii tahay qof si qaas ah qiimo ugu leh jiritaankeyga.”

“Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo, ku xushmeeyo, kuuna dhoolacadeeyo, maxaa yeelay waxaan kaa helaa bogaadin iyo jaceyl mug leh.”

Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilaawdo wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma’ahan in la ilaawo. Isoo xasuuso macaanto marka aan kaa fogahay.”

“Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha, sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa, islamarkaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.”

“Markaan ku arko waxaa idaayo daalka, waxaan galaa jawi farxadeed, maxaa yeelay waxaad isiisay jaceyl dhab ah.”

“Macaanto marwalba dhinacaaga iga fiiri i, wax dhib ahna malahan duruurfaha adage e nolosha, taasi waxaa keliya ee looga gudbi karaa waa qalbi saafi ah oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah. Jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhuna wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa, qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro, waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu haayo.”

“Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid laga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi, taasina waxaa sabab u ah, nafteyda ayaanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado.”

“Macaan badaneey waan ku tebayaa, maalmahana waan xisaabiyaa, waa iga qiima badan yihiin saacadaha aan kula kulmaayo maalinta saacadaheeda kale.”

“Noloshu waa macaan, waa farxad, maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa. Marna ma ilaabi doono ruuxdaada aadka u quruxda badan ee loo wada riyaaqay, ee awooda u leh iney iga dhigto qof aaminsan sida ay u macaan tahay nolosha, sida ay u wanaagsan tahay la joogitaankaaga oo aniga iga dhigay qofkaan dhameystiran ee aad u jeedo. Waxaad ii hirgelisay riyooyinkeyga in ay noqdaan kuwa rumoobay, islamarkaana hamiga nolosha aan wadaagnay waa natiijada xanaano iyo xubi miro dhala.”

“Macaan badaney nolosheyda la’aantaa macno dhan ma’lahan. Haddii aad ogaan laheyd sidaan kugu xiisay waxaad dhihi lahayd! Ma sugi karo inaan dhawaan hortaada soo istaago.!”

“Macaanto marka aan maqlo Qosal kaada ama hadaladaada macaan, daremaha jir keeyga oo idil wuu is bedelaa oo waxaa buxsho naxariis iyo jaceyl mug weyn, mcn dunida ha igu cidleen, sababtoo ah waxa tahay qofka kaliye ee aan dunida ugu jeclahay misana aan ka fikiro har iyo habeen.”

“Qaali marka aadan ila joogin waan iska ilmeeyaa, maxaa yeelay ma aqaan sabab kale oo aan kugu dareensiiyo jaceylka aan kuu qabo. Hadda makuu ilmeeyaa? (Adeegsoo marka aad rabto in aad ka qoslisiiso)”

“Marnaba ma sii deyn doono dareenkaan inuu gacanteyda ka baxo, aan ka faa’iideysano fursadaha nolosha noogu deeqday anagoo iska dhowrneyna inaan si ku talagal la’aan ah isku dhaawacno.”

Erayo jaceyl oo xushmad ah

Jaceylku waa macaan waxa uuna u baahan yahay in la xushmeeyo lana koolkooliyo, hadaba adeegso erayo jaceyl oo xushmad ah qaasatan kuwa soo socdo oo kale.

Akhriste: Saaxibayaal waxaan idinka codsanayaa in aad inoo soo diyaarisaan maqaal ku saabsan erayo jaceyl oo xushmada ah qasatan kuwo murti leh. Hadaba akhriste aan kula wadaagno xushmad jaceyl qeybtii koowaad.

Waxaa laga yaaba inaad dareento qof inuusan ku qiimayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ah.

Waxaa jiro shan kelmadood oo muhiim u ah nolosha. 1. Caqiido, 2. Jaceyl, 3. Daacadnimo, 4. Aaminaad, 5. xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka kalmadahaan, wax badan baa kuu dhiman.

Dhexdeena jaceylka yaal, haddey dhayal moodayaan, dhab dhab ma u yara tusnaa? Daraaden dhowr habeen hay nala dheelaan farxadee, xaflado ma u yara dhignaa? Inaan nahay laba dhigood, dhammaan iska jecel naflaha, tolow ma u dhaaranaa?

Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.

Ma ogtahay inta aad garabkeyga joogtid in ay iila mid tahay anigoo la isiiyay inta farxad taalo aduunka, taasoo macnaheedu tahay in aysan jirin farxad kale oo iga maqan. Waxaan kuu hayaa xushmad jaceyl.

Waxaa jiro dad haddii aad qalbiga ka jabiso ama waxaysan rabin aad ku sameyso, hadana weli sidii kuugu faraxsan, qofkaasi si niyad ah ayuu kuu jecelyahay! Waana dadka kaaga baahan inaad xaq dhowrto.

Ma jirto cid mar kasta mashquul ah kaliya waxay ku xiran tahay muhiimada liiska aad qofkaas ugu jirto, marka haddii dhowr jeer lagu yiraahdo “Waxaan ahay mashquul”.  waa inaad iska fahantaa.

Si fiican ii dhageyso, maanta wixii laga bilaawdo mar kale isma arki doono, maxaa yeelay wey i damqineysaa. Sida aad hadda dareemeyso waxba igama gelin, maxaa yeelay inta aan kaa arkay ayaa iga badan. Ogolow sida ay hadda tahay, waxaan ku siiyay waqti kugu filan,

Mana ii cuntameyso inaad mar kale dib ii soo ceshato, waad ka xun tahay, laakin anigu waxaa ii tahay wax tegay oo aan soo noqod lahayn. Maya maya fursad kale kuma siin karo, kaama daba ordi karo mar kale, intii aan ku daba socon karay waan ku daba socday, maanta wixii laga bilaabose kuuma hayo wax xushmad jaceyl ah.

Maanta wey adag tahay, beri wey ka sii adkaan laakin maalinta beri ka danbeyda wey qurxoonaan ee ha quusan. Xushmee jaceylka.

Dhab ahaantii erayo kuma qeexi karo muhiimada aad u leedahay nolosheyda mcn. Xabiibi aad baan ku jecelahay.

Ku abuur qalbiyada dadka oo dhan wax wanaagsan oo adiga kugu saabsan, haddii aadan jaceyl ku beeri karin, waxaad ku beertaa ixtiraam iyo xushmad jaceyl.

Dadka oo dhan ixtiraam, maxaa yeelay qofka caqliga leh wuu ku ixtiraami doonaa in ka badan intaad ixtiraamtay.

Ku xafid jaceelkeena qalbiga waayoo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.

Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.

Dadka wanaagsan waxaa loo abuuray inaad ku hilmaamto inta xun xumaantooda, sameey wanaag mar walbaa.

Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya.

Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.

Erayo jaceyl oo lagu dhiirogeliyo jaceylka

Halkani waxaan ku diyaarinay erayo jaceyl ah oo lagu dhiirogeliyo jaceylka dhabta ah.

Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad Dambi sameyso.

Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah Jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda Qalbiga

Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo

Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.

ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad aan qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.

Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa kugu jeclaanaya.

Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan Hal sabab ay ku wada joogi karaan.

Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.

Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan.

Goortii aad qof necbeysato, wax kasta oo ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.

Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil.

Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.

Haddii maanta aysan ahayn maalintaada, xasuusnow berri waa maalintaada!

Jaceylka waa luuqada qalbiyada iyo indhaha, waa macalinka nolosha, waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa, waa hoyga farxada iyo dareenka, waa geedka ubadka iyo jiritaanka.

Gabadha Xanaaqa Badan

sawiro gabadha xanaqa badan, gabdhaha,  gabadha, sawiro romantic ah, sawiro shidan,

Haddii aad aragto gabar ku jecel oo xanaaq badan, ka ilaali erayo dhaawacayo qalbigeeda maxaa yeelay gabadha xanaaq badan waa gabar aanan la heli karin.

Gabdha xanaaq badan waxa ay gabdhaha kale dheer tahay 11 tusaale:

Waxay sheegta runta oo been ma taqaan. waxay kuu sheegta waxay dhibsanayso oo waxba kama qariso, wayna qalbi furan tahay.Waa Gabar cafis badan isla markaana aan aqoon calool ku qaaad iyo ganuunac nuuc kale ah.

Waa gabar qalbi wanagsan oo naxariis badan. Haday kugu xanaaqdo isla marka waay is badasha oo way ka farxisaa mana taqaan calool ku haay. Waa qof naf ahaan u dagan oo aan wal wal, shaki iyo walbahaarka aqoon. Waqgtigeeda oo dhan waxay ku qaadatada agteeda oo dadka kalaba lama heshiiso. Dabeecadeeda xanaaqa ku dhisan ma,ahan mid qalbi ahaan ay u sameyso nafteeda. Si kastay u xanaaqsan tahay marka aad u qosasho waay dhoola cadeysa xittaa hadeey 90 taagan tahay xanaaqa. Mararka qaar xiliga dhibaatada jirto waxay cuskataa garabkaaga si ka duwan sida Dadka Kale. Sidaa darteed ha iska sii deyn qofkaas oo kale Hadaad hesho, waa qaaliyee.

Erayo sarbeeb ah

Erayadaani waa erayo sarbeeb ah oo jaceyl ah kuwaasoo aad ku soo jiidan karto qofka aad jecesahay.

Marnaba qof aad ha ugu dareensiin xiisahaaga, haddii aysan iyaduna sidaa oo kale dareemaynin, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo.

Jaceylku waxba ma ahan hadaanan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma ahan hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma ahan haddii aan isbedel jirin.

Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan marka aad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.

Goortii qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer in ay afka ka sheegaan, waxaad mar kasta ka garan kartaa habka ay kuula dhaqmaan.

Jaceylku ma ahan dareen oo keliya ee jaceylku waa daryeel.

Kalsoonidu kama timaado inaad mar walba saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalado.

80% dadku way iska aamusaan xittaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.

Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.

Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.

Sheeko jaceyl

Waxay ahayd maalin cajiib ah, roobkun uu curtey, 2018 kii, Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan. Gaari yar oo Mazda ah ayaan cod ka hadlayo maqlay, waan jalleecay, wuxuu yiri: walaal ma kula hadli karaa? Maxaa jira ayaan su’aalay, waa inta u dhaxaysa taalada Axmed gurey iyo Taalada Dhagaxtuur oo markaas dhiiqo yar ka jirtey, wuxuu cod naxaris ah ka muuqato igu yiri walaal dhiiqada aan ku dhaafiyee soo gal, waa isaga kaligii, maya ayaan idhi dumar iyo caadadii, waloow aan u baahnaa inaan galo isagana uu u muuqday wiil akhyaar ah! Intaas waxaa sii dheeraa su’aal ah “ walaal numberkaaga qayb baan hayaa, ee inta kale ii raaci! Anigoo ka yaaban shaxaarinimadiisa ayaan qoslay oo aan ku idhi qaybteed haysaa walaal? Ilko cad inta uu walac ka siiyey ayuu si dhibyar u yidhi 061 ayaan hayaa ee inta kale iigu dar!

Kama nuuxsan karin, mana arkayn noole markaas wax loo diidi karo, iima muuqan nin aan maya ku oran karo, anoo xishoonaya oo is leh adoo nin wadada la taagan yayna walaaladaa ku arkin ayaan u dadajiyay!

Gaariga oo dhaqaaqay ayuu dib ii soo jalleecay, jalleeco aad moodid waran jacayl, jalleeco aad moodid kabuubiso ayuu hal mar igu ganay, markaasa inta gacanta ruxay sidii aabo ilmihiisa safar uga tagay, yiri maalin wanaagsan walaashey, anigoon aqoon waxa iga farxiyey ayaan anna u ruxay midigteyda, anoo leh maalin wanaagsan walaal!

Fiidkii anoo ka faraxashay casho macaanayd oo ay habeenkaas walaashey iga yar noo sameysay ayuu isoo wacay, waa number isu wada eg, oo 77 u dambayso, qosol baan ku dhuftay markaan maqlay codkiisa, hasa yeeshee isagu inuu daremo waan diidanaa, si caadi ah ayuu ii xaal waraystay, malaha bilaawga shukaansiga waa iska saas uune, wuxuu aad iiga waraystay aabo iyo hooyo iyo walaaladey, nafteyda wax badan igama waydiin habeenkaas, xogta uu i waydiiyay anoo saluugsan ayuu habeenkaas taleefanka dhigey, laakin hadalka uu igu macasalameyey ayaa sababay in maskaxdeydu u kireysnaato isaga habeenkaas, wuxuu yiri ducada hooyaday in la ii aqbalay ayay ila tahay ee habeen wanaagsan wuuna dhigey taleefanka.

Anigu isla goortaasi waa la igu saaqay, qalbigeyga waxaa buux dhaafiyay rabitaan waali ah. Habeenkaas wuxuu ii ahaa habeen farxada badan, habeenka kaliya ee aan nafisay, hurdaduna ay ahayd sida in aanan isbuuc hurdin. Maalintii xigtay anoo isaga ka fikirayo, doonayana in aan la wadaago dareenkeyga, una sheego inaan ku faraxsanahay la kulankiisa iyo hadaladiisa soo jiidashada leh ayaa waxaan maqlay dhawaqa teleefonkeyga, anoo is leh ma lacagtii ayaa kaa dhamaatay, Hormuud waa uun Horumuudee ayaan teleefoonkii furay, mise waa sms uu ii soo diray.

Maalin wanaagsan xidigteyda cusub, waxaan rajeynayaa in aad tahay shax shax, maalintaaduna ay u dhalaaleyso oo ay u qurux badan tahay sida dhoola cadeyntaada farxada leh: D

Kadibna akhrinta erayaaasi waan dhoola cadeeyay, anoo la yaaban sida lama filaanka ah ee ay wax u dhacayaan ayaan qalbiga ka iri: Adigaaa, adigu waxaa tahay qofka aan muddo badan baadi goobayay, dadku waa ay la yaabanaayeen dooqeygu, qof walbaana wuxuu igu oran jiray, dooqaada aduunkaan lagama helo, adiguse taasi waad beenisay.

La soco qeybta kale

Qoraa: Mustafa Mmj

Uncategorized

What is the most populated city in Somalia?

The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …

What is the most populated city in Somalia? Read More »

Mogadishu

Top 5 Historical Places in Mogadishu

Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …

Top 5 Historical Places in Mogadishu Read More »

Mogadishu

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!

Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet! Read More »

Somalia News | Somaliland

The Best Places to visit in Hargeisa 2022

All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …

The Best Places to visit in Hargeisa 2022 Read More »

Jubbaland | Somalia News

The Most Unforgettable Moments in Kismayo

Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …

The Most Unforgettable Moments in Kismayo Read More »

2 thoughts on “Erayo jaceyl ah: Ma u dirtay erayadaan oo kale?”

  1. Moha khadar ali Barqash

    Masha Allah sxb mcn wanla dhacay qoralka xikmada bdn thanks sxb sre horaay usoco insha Allah wadgari guushada

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.