Erayo naxariis badan oo qalbiga taabanayo

Waxaad dooneysaa erayo naxariis badan gaar ahaan kuwo qalbiga taabanayo, hadaba waxaad joogtaa halka saxda ah. Sida qalbiga loo soo jiito ma ahan sida barashada cilmiga gantaalaha, si fudud ayaad ku baran kartaa.

Erayo naxariis badan, erayo romantic ah, erayo naxariis leh, erayo jaceyl

Marka aad qof si dhab ah u jeclaato waxaad ku wareereysaa sida aad u soo jiidan lahayd qofkaasi, waxaad isku dayeysaaa adeeegsiga erayo naxariis badan gaar ahaan kuwo qalbiga taabanayo. Intaa waxaa kuu sii dheer in qofkaasi aad la jeceshahay erayo macaan kuwii ugu dambeeyay, hadana waxaad dareemeysaa in aadan u awoodin.

Hadaba waxba haka welwelin! Anagaa diyaar u ah in aan kaa caawino. Maanta waxaan halkaan kuugu diyaarinay eray naxariis badan oo aan isleenahay alley lahee waad ku soo jiidan kartaa qofka aad jeceshahay. Adeegso erayadaan goorta ku haboon, oo aad isleedahay waad dhihi kartaa maxaa yeelay eray walbaa waxa uu yimaadaa waqti, waxaana jirto waqtiyo la is dhaafsado erayada macaan iyo sheekooyinka xiisaha leh. Tusaale marka uu qofka faraxsanyahay ama xiiseynayo la sheekeysigaada ama xittaa uu kula kaftamayo.

Erayo naxariis badan gaar ahaan kuwo romantic ah

erayo romantic ah, erayo jaceyl, erayo macaan, erayo soo jiidasho leh, erayo romance ah, macaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.

Cimrigu waa ubax, noloshuna waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, hadaan u qalmo Amraneey xusuustaada igali.

Xusuusnow: Aduunku mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.

Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.

Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma ahan in la iloobo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.

Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola cadeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.

Mar walbaa oo aan arko suuradaada farxada badan waan ku sii jeclaadaa maxaa yeelay waxaan dareemaa dareen aanan caadi ahayn.

Erayo jaceyl oo cod iyo muuqaal ah

Erayo naxariis badan oo xikmad leh

erayo naxariis badan oo jacayl ah, erayo xikmad leh, erayo jaceyl oo qoraal ah, erayo macaan soo jiidasho leh, erayo farxad leh

Kumanaan qof ayaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan fariimo jaceyl ah laakin fariinteydu waa mid kuwaas ka duwan, maxaa yeelay waxa ay sidataa dareen farxad leh.

Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnahana wuxuu ii noqdaa mid boobsiis ah, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.

Waxaan mar walbaa ku fikir jiray in qofku uu farxad la kulmi karo nolosha hal mar oo kaliya, laakin adiga kadib waxaan ogaaday in farxaddu ay tahay daqiiqad kasta iyo ilbiriqsi kastaa.

Dadku waxay igu tilmaamaan in aan sixranahay sababtuna wax kale ma ahan ee waa jaceylka aan adiga kuu qabo dartii.

Dadku waxay yiraahdaan jaceylku wuu murugo badan yahay balse anigu waxaan qabaa aragti kale, maxaa yeelay waxaaad isiisay farxad aan la qiyaasi karin.

Xusuusnow: Jaceylkeenu waa sida dabeysha oo kale, ma arki karno laakin waan dareemi karnaa.

Qish halkaan iska diiwaan geli: Noqo akhristaha ugu horeeyo ee aan u soo dirno fariimo jaceyl ah

Erayo jacayl ah oo macaan gaar ahaan kuwa raga ay jecelyihiin

erayo jaceyl raga, erayo macaan raga, erayo macaan ninka, erayada raga ay jecelyihiin, erayo raga lagu soo jiito

Sir makuu sheegi karaa? Waxaan ahay qof kugu waashay adiga.

Uma baahni subaxdii in aan cabo kafeey, kaliya in aan adiga kaa fikiro, Jaceylkaagu waa kiciyaha dareemaheyga.

Kulankeenii ugu horeeyay ee aan kulanay, waxaan ku fikiray in aad tahay ninka ugu degan, ugu akhlaaqda wanagsan, uguna quruxda badan aduunka. Hadda waxaan arkaa inaad ka qurux badan tahay ninkaasi. Waxaad dhameytirtay nolosheyda.

Waad ku mahadsantahay inaad noqoto saaxibkeyga, jaceylkeyga iyo halyeeygeyga. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula qaato cimrigeyga adiga inta ka dhiman nolosheyda.

Inaan noqdo xaaskaaga waa farxada nolosheyda, waad ku mahadsantahay inaad aniga idooratay, Ninkeyga.

Kama caajisi doono weligeey in aan subax walbaa daawado suuradaada qurxoon, ama taabashadaada dareenka leh ee xiliga habeenkii.

Weli waad iga farxisaaa, macaan badan, waxaan rajeyn in aad ogtahay taas.

Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.

Erayo jaceyl soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo calaacal ah

erayo jaceyl dareen, erayo jaceyl qiiro, erayo jaceyl oo soo jiidasho leh, erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, erayo jaceyl calaacal, erayo calaacal ah

Mcnto/macaane jacaylka aan kuu qaaday ma ahan wax la dhalaysan karo oo dheel dheel noqon karo, murugada iyo walbahaarka i haysto waxa iiga daran mar kasta oo aan is dhaho seex oo aan indha isku qabto waxaa la i horkeenaa sawirkaaga soo jiidashada leh, markaas ayaan baraaruga aadna u xanuunsadaa, Indhahaygana ay ilmo kusoo  istaagtaa, waxan ka baqayaa in aan nolosha ciriiri ku dhamaysto maxaa yeelay qof aan adiga ahayn iima muuqdo.

Mcn weligey waan ku jeclaa, jacaylkaaga dartiisna waxaan u huray nafatayda. Daqiiqad walbaa waxaan jecelahay inaan ku raali galiyo. Waxaana ku rajo weynahay in aan noloshayda inta ka dhiman aan adiga kula wadaago, xusuusnow naftayduna adigay raalli kaa tahay kumana qasbi karaayo nin aanay raalli ku ahayn in ay nolosha la wadaagto, runtiina waan ku jeclahay waxa ilmada indhahayga ka shubayaana maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay.

Illaa maalinkaan ku jeclaaday illaa maanta habeena ma seexan, ma harsado dharaartii, marwalbana waxaad tahay mid naftayda ku dheer oo dareenkaygu la jiro, haddii aan is iraahdo howl qabana  adigaan kaa dhex arkaa iyo wanaagi aad ii sammaysay, daraadana waxaan ahaa mid nafteeda u hurtay sidii ay jacaylkeeda u haqab tiri lahayd. Waxay naftaydu adiga dartaa igu qasabtaa in aan sameeyo wax walba  oo suuro gal ah, mcn waan ku jeclahay illaa weligayna waan ku jeclaan doonaa.

Waxaan aad ula ildaranahay jacayl aan la kaliyoobay , xili kasta waxa ka fikiraa qof aan niyad ii yahayn  Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu keliyaysto .

Erayo jaceyl dareen leh

erayo jaceyl dareen, erayo jaceyl oo dareen leh, erayo macaan dareen, erayo macaan oo dareen leh

Jacaylka aan kuu qabo waxa uu ku baahay jirkayga oo dhan, waxa uu gilgilay qalbigayga, waxa uu ku milmay dhiigayga, waxa uu dhaqaajiyay dhuuxayga. Waan ku baryayaa mcnto ha ka bixin balantii iyo wacadkii inoo dhexeeyay.

Habeen iyo maalin waxaan is weydiiya inaan ku heli doono iyo in kale, qalbigaygu waxa uu aad ula khushuucaa jacaylka xad dhaafka ah  ee aad igu beertay, indhahaygu waxa ay aad ula yaabaan oo markastaa u sawiran muqaalkaaga farxada leh, dhagahayguna waxa ay codkasta oo ay maqlaan u maleeyaan kaagii, Alla jacaylku macaanaa.

Jacaylku idho maleh dhegana warkii daa, macaanto anigu wax dambi ah ma lihi waayo qalbigaygu aniga oo aan war u hayn ayuu iga kaa raacay, runtii noloshaydu Alle ka sokow adiga ayay kugu xiran tahay fadlan haygu daawan caashaqa.

Qish: Halkaan waxaan sidoo kale ku diyaarinay erayo naxariis badan gaar ahaan qeybtii koowaad oo holac ah. Si aad u akhrisato riix halkaan: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jaceyl oo aanay weligeed arrag marwalbana xagaga ayaan ahay kuuna balan qaadaaya, runtiina waan ku jecelahay.

Mar walba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo maalin walba iyo xili walbaa, waayo waxaad tahay qof noloshayda ku dhex beeray oo aan marnaba ka maarmeynin.

Ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxaan ka warwarayaa sidaan u noolaan doono adiga la’aanta marwalbaana waxaan ahaan doona mid adiga uun kaa fikira.

Qoraa: Mustafa Mmj

Uncategorized

What is the most populated city in Somalia?

The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …

What is the most populated city in Somalia? Read More »

Mogadishu

Top 5 Historical Places in Mogadishu

Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …

Top 5 Historical Places in Mogadishu Read More »

Mogadishu

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!

Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet! Read More »

Somalia News | Somaliland

The Best Places to visit in Hargeisa 2022

All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …

The Best Places to visit in Hargeisa 2022 Read More »

Jubbaland | Somalia News

The Most Unforgettable Moments in Kismayo

Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …

The Most Unforgettable Moments in Kismayo Read More »

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.