Erayo Romantic ah oo dareen iyo farxad leh

Halkani waxaan dooneynaa inaan kugula wadaagno erayo romantic ah oo farxad iyo dareen leh. Erayo kuwa ugu naxariista badan ee loo diro qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay. Jacayl dhab ah waa macaan marka aad heysato ruux ku dareensiiyo.

erayo romantic ah, erayo jaceyl romantic, erayo romantic, erayo romantic oo jaceyl ah

Hadaba aan kula wadaagno erayo jaceyl ah oo weliba soo jiidasho leh gaar ahaan erayo romantic ah kuwii ugu dambeeyay 2022.

Erayo Romantic ah oo soo jiidasho leh

Marka aad qof jeclaatid uma baahnid kaliya erayo jaceyl ah ee sidoo kale waxaad ubaahantahay erayo romantic ah gaar ahaan kuwo naxariis badan oo qalbiga qofka soo jiidanayo. Sida qofka qalbigiisa loo soo jiito ma ahan wax adag, kaliya waxay u baahan tahay in aad barato erayada soo socdo ee macaanka ah.

Erayo Romantic ah qeybtii 1-aad

Adduunkan waxaad tahay ka tahay qof keliya balse aniga ahaan, waxaad tahay ii tahay adduun dhan. Qaali si dhab ah ayaan ku jecelahay.

Jaceylku wuxuu leeyahay farxad iyo reyn reyn laakin qof walbaa ma dareemi karo marka laga reebo qofka adiga sida dhabta ah kuu jecel.  Anigu hadda waxaan dareemayaa farxadaasi, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho waxaa tahay farxadeyda?

Subaxii uma baahni inaan saacadeyda ku xirto ala aarmi si aan u soo kaco, maxaa yeelay waxaad ku nooshahay wadnaheyga.

Fariintani waxay ku socotaa qoftii aan jeclaaday, jaceyl aan xad lahayn. Qoftii qalbigeyga guri ka sameysatay, jaceylkeedana ka dhigtay mid laabteyda suran.

Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo, nafteyda adiga ayeey ku tabeysaa oo ay ku qanacsantahay, iyada oo aanan ka fikireynin culelysyada imaan karaa mustaqablka.

Erayo macaan qoraal ah qaasatan kuwo rormantic ah

erayo macaan qoraal, erayo macaan oo shukaansi ah, erayo macaan xaaskaaga, erayo macaan oo soo jiidasho leh

Macaanto la’aantaa suurtogal iima noqon lahayn inaan noqdo kala bar ninka aan hadda ahay. Qaali Ilaahay ha ku dhowro. Waxaa tahay qof igu qaali ah.

Macaanto dadaalkii aad ii sameysay waayahan oo dhan, run ahaantii kalsooni buuxda ayay igu abuurtay. Waana sababta aan mar walbaa adiga kuugu riyaaqo.

Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo, taas waxaan u leeyahay oo sabab ah, qalbigayga. Waxaa igu adag joojinta daqiiqadihii aan wada qaadanay, waxaase taa iiga sii adag inaan ku waayo adiga. Xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay.

Erayo Farxad ah oo aad lamanaahaaga u diri karto

Dhoolacadeyntaadu waxay ii tahay wehel, wehel oo kaliya iima tihid ee waxaa sidoo kale tahay dareenkeyga. Ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaa. Ma tihid wadnaheyga laakin waxaan diyaar u ahay inaan xanuun walbaa kula dareemo.

Qish: Noqo akhristaha ugu horeeyo ee aan u soo dirno erayo jaceyl somali ah

Si aad u noolaato, aadamuhu wuxuu u baahan yahay hawo, cunto, iyo biyo badan. Kaliya waxaan ubaahanahay habsiintaada, dhoola cadeynta farxada leh iyo dhunkashada. Waan ku jeclahay.

Jawigu waa mid aad qurux badan, jaceylkuna waa dareen aad u macaan laakin waa goortee? Iska fahan waa goorta aan aniga iyo adi jaceylka si farxad leh oo wadajir ah u daadihino.

Nin kasta oo guul gaara gadaashiis waa naag. Waxaad tahay sirta ka dambaysa farxaddeyda iyo horumarkeyga. Kaama maarmo macaanto.

Waxaa tahay nolosheyda, noloshuna dhadhan malahan adiga la,aantaa, anigana farxad lama deriso adiga la,aantaa.

Quruxeey ma tihid jaceykeyga oo keliya balse waxaad tahay rajada iftiimisa maalmaha nolosheyda oo dhan, waxaad ii tahay wax walba Qaali.

Waad ku mahadsan tahay jacaylka aad isiisay runtii sannadihii ugu fiicnaa iyo nolosha ugu quruxda badan waxaan helay markaan adiga saaxib kula noqday.

Ma og tahay Gacaliso in sababta aan weli si waali ah kuugu jeclahay? Ma ahan wax kale waa adiga dhoola-caddeyntaada.

Noloshu waa macaan, waa farxad, maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa. Marna ma ilaabi doono ruuxdaada aadka u quruxda badan ee loo wada riyaaqay, ee awooda u leh iney iga dhigto qof aaminsan sida ay u macaan tahay nolosha, sida ay u wanaagsan tahay la joogitaankaaga oo aniga iga dhigay qofkaan dhameystiran ee aad u jeedo.

Waxaad ii hirgelisay riyooyinkeyga in ay noqdaan kuwa rumoobay, islamarkaana hamiga nolosha aan wadaagnay waa natiijada xanaano iyo xubi miro dhala.

Erayo jacayl qiiro ah oo weliba calaacal ah

erayo jacayl qiiro ah, erayo jaceyl oo qiiro ah, erayo jaceyl qiiro leh

Marka aad ugu dambeyntii aan maqlo hadaladaada macaan, qeyb kasta oo qalbigayga ka jabtay way bogsootaa. Dhab ahaantii, inaad i ag joogto waan ku farxaa, waxaan ahay qofka ugu nasiibka badan waayo waxaad noqotay jaceylkeyga.

Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.

Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday.

Waxaad tahay iftiinkeyga, waxaad tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga, maanta, beri iyo weligeedba.

Ha iloobin in aad tahay ruux ay nafteydu u riyaaqdo oo dadka kale iiga duwan.

Waxaad iga dhigtay geesi waxaadna igu qancisay inaan aaminsanaado. Taageeradaada iyo daryeelkaagu noloshayda gebi ahaanba way beddeleen.

Erayada dareenka leh ee qalbiga lagu soo jiito

erayada dareenka leh, erada dumarka lagu soo jiito, erayada macaan ee dareenka leh

Xusuusnow jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo. Farxadeyda ugu weyn waa dhoolacadeyntaada iyo in aad mar walbaa wehelkeyga tahay.

Marka aad jaceylka ila daadihineyso, waa dareen cajiib ah balse waxaa ka sii cajibsanaan doonto marka aad xaaskeyga noqoto, laabteydana barkin kaaga dhigo.”

“Waxaan rajeynayaa inaad dhinacageyga taagnaan doontid inta nolosheyda ka dhiman, sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. Hadaba aan dhahno haddii aan isla wadaagno nolosha waxaan noqoneynaa dadka aduunka ugu nasiibka wanaagsan.”

Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilaawdo wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma’ahan in la ilaawo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.”

“Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha, sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa, islamarkaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.”

Waxaad akhrisataa kaliya fariimaha jaceylka ah ee aan kuu soo diro, balse marka aad wax yar indhaha isku qabato, waxaad arkeysaa anigoo kuu sido ubax casaan ah. (Isticmaal marka aad la kulmeyso, weliba adoo ubax u sido).

Macaanto marwalba dhinacaaga iga fiiri, wax dhib ahna malahan duruurfaha adag ee nolosha, taasi waxa keliya ee looga gudbi karaa waa qalbi saafi ah oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah.”

Jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhuna wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa, qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro, waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu haayo.”

Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid laga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi, taasina waxaa sabab ah, nafteyda ayaanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado.”

Erayo macaan oo jacayl ah

Jacaylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.”

Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu koriyaa jacaylka, waa erayo mudan in la xanaaneeyo,adigana waxaad ii tahay qof si qaas ah qiimo ugu leh jiritaankeyga.”

Macaan badaneey waan ku tebayaa, maalmahana waan xisaabiyaa, waa iga qiima badan yihiin saacadaha aan kula kulmaayo maalinta saacadaheeda kale.”

Macaan badaney nolosheyda la’aantaa macno dhan ma’lahan. Haddii aad ogaan laheyd sidaan kugu xiisay! Ma sugi karo inaan dhawaan hortaada soo istaago.!”

Marnaba ma sii deyn doono dareenkaan inuu gacanteyda ka baxo,aan ka faa’iideysano fursadaha nolosha noogu deeqday anagoo iska dhowrneyna inaan si kutalagal la’aan ah isku dhaawacno.”

Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?

Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo, ku xushmeeyo, kuuna dhoolacadeeyo, maxaa yeelay waxaan kaa helaa bogaadin iyo jaceyl mug leh.

Erayo macaan oo shukaansi ah

erayo macaan oo shukaansi ah, erayo macaan, erayo macaan shukaansi, shukaansi macaan

Macaanto marka aan maqlo Qosal kaada ama hadaladaada macaan,  dareemaha jirkeyga oo idil wuu is bedelaa oo waxaa buxsho naxariis iyo jaceyl mug weyn, mcn dunidaan ha igu cidleen, sababtoo ah waligaa waxa tahay qofka kaliye ee aan dunida ugu jeclahay aana ka fikiro har iyo habeen.

Markaan ku arko waxaa idaayo daalka, waxaan galaa jawi farxadeed, maxaa yeelay waxaad isiisay jaceyl dhab ah.

Qaali marka aadan ila joogin waan iska ilmeeyaa, maxaa yeelay ma aqaan sabab kale oo aan kugu dareensiiyo jaceylka aan kuu qabo. Hadda makuu ilmeeyaa? (Adeegsoo marka aad rabto in aad ka qoslisiiso)

Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan ku  hortaaganahay, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.

Uncategorized

What is the most populated city in Somalia?

The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …

What is the most populated city in Somalia? Read More »

Mogadishu

Top 5 Historical Places in Mogadishu

Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …

Top 5 Historical Places in Mogadishu Read More »

Mogadishu

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!

Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet! Read More »

Somalia News | Somaliland

The Best Places to visit in Hargeisa 2022

All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …

The Best Places to visit in Hargeisa 2022 Read More »

Jubbaland | Somalia News

The Most Unforgettable Moments in Kismayo

Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …

The Most Unforgettable Moments in Kismayo Read More »

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.