Erayo sarbeeb ah gaar ahaan kuwo xul ah

Waxa uu ii soo diray erayo sarbeeb ah gaar ahaan kuwo murti, xikmad iyo jaceyl ah, anna waan fahmay waxa uu iga damacsan yahay. Ma ahayn erayo sarbeeb ah oo kaliya ee waxay ahaayeen erayo aad i farxad geliyay misana iga keenay in aan u dhoola cadeeyo.

erayo sarbeeb ah, erayo jaceyl, erayo kaftan ah

Intaa waxaa dheer erayadaasi waxay ahaayeen kuwo qalbigeyga soo jiitay. Qalbigeyga oo kaliya sooma jiidan ee waxay sababeen in aan go’aan degdeg ah gaaro. Go’aankaas wax kale ma ahayn ee waxaan aqbalay codsigiisa.

Waa maxay faaiidada Adeegsiga erayada sarbeebta ah?

Adeegsiga erayo sarbeeb ah gaar ahaan kuwooda murtida iyo xikmada leh ayaa waxay qeyb ka noqdaan soo jiidashada qalbiga qofka aad ka heshay ama aad jeceshahay.

Laakin dhalinyaro fara badan oo isugu jiro wilaal iyo gabdho waxay yiraahdaan: Waa maxay sababta aan ugu baahanahay erayo sarbeeb ah ama kaftan ah, anigoo qofka si toos ah ugu sheegi karo rabitaankeyga ama waxa aan ka damacsanahay?

Jawaabta wey fududahay:

Waa sax, wey fiicantahay in aad qofka si toos ah ugu sheegato baahidaada ama rabitaankaaga, laakin mararka qaar waxaa ka qurux badan in aad u sarbeebto. Marka aad adeegsato erayo sarbeeb ah gaar ahaan erayo jaceyl ah, waxa uu qofka kuu arkayaa in aad tahay qof aanan caadi ahayn oo nolosha iyo jaceylkaba wax badan ka yaqaano, taasina waa sababaha ugu badan ee la isku xusho.

Qof walbaa wuxuu jecelyahay inuu guursado qof caqli badan oo waayo arag ah, naftiisana farxad gelin karo. Ma jirto cid jeclaaneyso qof hadalkiisa iyo muuqiisaba laga cararayo, sidaa darteed isticmaal had iyo jeer erayo miisaaman oo qalbiga qofka soo jiidanayo gaar ahaan kuwo kaftan ah.

Erayo Sarbeeb ah oo xul ah

Waxaa laga yaaba inaad dareento qof inuusan ku qiimayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ah.

Dhexdeena jaceylka yaal, haddeey dhayal moodayaan, dhab dhab ma u yara tusnaa? Daraadeen dhowr habeen hay nala dheelaan farxadee, xaflado ma u yara dhignaa? Inaan nahay laba dhigood, dhammaan iska jecel naflaha, tolow ma u dhaaranaa?

Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waa waxa ugu adag ee la kasbado waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.

ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad aan qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.

Waxaa jiro shan kelmadood oo muhiim u ah nolosha. 1. Caqiido, 2. Jaceyl, 3. Daacadnimo, 4. Aaminaad, 5. Xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka kalmadahaan, wax badan baa kuu dhiman.

Ma ogtahay inta aad garabkeyga joogtid in ay iila mid tahay anigoo la isiiyay inta farxad taalo aduunka, taasoo macnaheedu tahay in aysan jirin farxad kale oo iga maqan.

Waxaa jiro dad haddii aad qalbiga ka jabiso ama waxaysan rabin aad ku sameyso, hadana weli sidii kuugu faraxsan, qofkaasi si niyad ah ayuu kuu jecelyahay! Waana dadka kaaga baahan inaad xaq dhowrto.

Ma jirto cid mar kasta mashquul ah kaliya waxay ku xiran tahay muhiimada liiska aad qofkaasi ugu jirto, marka haddii dhowr jeer lagu yiraahdo “Waxaan ahay mashquul” waa inaad iska fahantaa.

Si fiican ii dhageyso, maanta wixii laga bilaabo mar kale isma arki doono, maxaa yeelay wey i damqineysaa. Sida aad hadda dareemeyso waxba igama gelin, maxaa yeelay inta aan kaa arkay ayaa iga badan. Ogolow sida ay hadda tahay, waxaan ku siiyay waqti kugu filan, mana ii cuntameyso inaad mar kale dib ii soo ceshato, waad ka xun tahay, laakin anigu waxaa ii tahay wax tegay oo aan soo noqod lahayn. Maya maya fursad kale kuma siin karo, kaama daba ordi karo mar kale, intii aan ku daba socon karay waan ku daba socday, maanta wixii laga bilaabose kuuma hayo wax xushmad jaceyl ah.

Maanta wey adag tahay, beri wey ka sii adkaan laakin maalinta beri ka danbeyda wey qurxoonaan ee ha quusan. Xushmee jaceylka.

Dhab ahaantii erayo kuma qeexi karo muhiimada aad u leedahay nolosheyda mcn. Xabiibi aad baan ku jecelahay.

Ku abuur qalbiyada dadka oo dhan wax wanaagsan oo adiga kugu saabsan, haddii aadan jaceyl ku beeri karin, waxaad ku beertaa ixtiraam iyo xushmad jaceyl.

Dadka oo dhan ixtiraam, maxaa yeelay qofka caqliga leh wuu ku ixtiraami doonaa in ka badan intaad ixtiraamtay.

Ku xafid jaceelkeena qalbiga waayo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.

Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.

Dadka wanaagsan waxaa loo abuuray inaad ku hilmaamto inta xun xumaantooda, sameey wanaag mar walbaa.

Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad dambi sameyso.

Qish: Baro geeraaro aanan caadi ahayn

Erayo xikmad leh gaar ahaan kuwo waano ah

Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya.

Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda qalbiga.

Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.

Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.

Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa kugu jeclaanaya.

Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan hal sabab ay ku wada joogi karaan.

Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.

Goortii aad qof necbeysato, wax kasta oo ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.

Xikmad cajiib ah ayaa waxay leedahay iydana sidaan

Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.

Goorti aad tiraahdo waan ku jeclahay waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil.

Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.

Haddii maanta aysan ahayn maalintaada, xasuusnow berri waa maalintaada!

Jaceylka waa luuqada qalbiyada iyo indhaha, waa macalinka nolosha, waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa, waa hoyga farxada iyo dareenka, waa geedka ubadka iyo jiritaanka.

Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo.

Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.

Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.

Jaceylku ma ahan dareen keliya ee jaceylku waa daryeel.

Qish: Baro sida loo soo jiito gabdhaha shidan

Kalsoonidu kama timaado inaad mar walba saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalado.

80% dadku way iska aamusaan xittaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.

Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.

Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.

Qoraa: Mustafa Mmj

Uncategorized

What is the most populated city in Somalia?

The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …

What is the most populated city in Somalia? Read More »

Mogadishu

Top 5 Historical Places in Mogadishu

Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …

Top 5 Historical Places in Mogadishu Read More »

Mogadishu

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!

Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet! Read More »

Somalia News | Somaliland

The Best Places to visit in Hargeisa 2022

All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …

The Best Places to visit in Hargeisa 2022 Read More »

Jubbaland | Somalia News

The Most Unforgettable Moments in Kismayo

Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …

The Most Unforgettable Moments in Kismayo Read More »

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.