Erayo xikmad leh oo aanan caadi ahayn

Ku soo dhawoow erayo xikmad leh gaar ahaan kuwo cajiib ah, kuwo marka aad akhrisato alley lahee maankaaga deegayo. Ma ogtahay erayada ugu quruxda badan ee lagu hadaaqo inay yihiin erayo xikmad leh gaar ahaan kuwa qoraal ah. Mise la socotaa adeegsiga erayo xikmad leh oo qoraal ah in ay saameyn ku yeelan karaan noloshaada?

erayo xikmad leh, erayo xikmad leh oo qoraal ah

Haddi aadan isku wanaaganeyn erayada xikmad leh ee lagu soo jiito dadka kale, gaar ahaan kuwo qoraalka ah, Waxba haka welwelin.

Waxaan halkaan kuugu diyaarinay erayo xikmad leh oo xul ah oo weliba ka kooban 16 xikmadood oo ku saabasan guud ahaan nolosha dhabta ah. Sidoo kale qormadaan qormadii ka horeeysay waxaan kaga hadalnay erayo kale oo aanan caadi ahan kuwaasoo ah kuwo xikmad leh oo jaceyl ah. Haddii aadan horay u akhrisan, halkaan hoose ayaad ka akhrisan kartaa: Ma akhristay erayo nuucaan ah?

Erayo xikmad leh oo qoraal ah

Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.

Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan.

Goortii aad qof necbeysato, wax kasta ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.

Hadalku xoog buu leeyahay, Hadalkuna ma libdho, wixii dhawaaq ku bilowdana fal bay ku dhammaadaan.

Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. 

Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya, hal eray oo naxariis leh ayaa bedeli kara qof maalintiisa oo dhan.

80% dadku way iska aamusaan xitaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.

Erayada wanaagsan waxay noqon karaan kuwo gaaban oo sahlan in lagu hadlo, laakiin dhawaaqoodu waa kuwo aan dhammaad lahayn.

Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof, haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo. 

Ha dhayalsanin awoodda hadalka, Hadalku wuxuu dhaqaajiyaa qalbiyada, qalbiguna wuxuu dhaqaajiyaa addimada.

Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.

Erayadaadu awood bay leeyihiin, ku hadal erayo naxariis leh, kalgacal leh, oo wanaagsan, oo kor u qaadaya, dhiirigelinaya nolosha.” 

Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.

Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.

Hadal waxaa uu ammaan yahay inta aadan oran ee afka hadduu ka soo baxo, adi uma arimisid” Abwaan Maxamed Cali Kaariye.

Uncategorized

What is the most populated city in Somalia?

The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …

What is the most populated city in Somalia? Read More »

Mogadishu

Top 5 Historical Places in Mogadishu

Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …

Top 5 Historical Places in Mogadishu Read More »

Mogadishu

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!

Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …

The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet! Read More »

Somalia News | Somaliland

The Best Places to visit in Hargeisa 2022

All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …

The Best Places to visit in Hargeisa 2022 Read More »

Jubbaland | Somalia News

The Most Unforgettable Moments in Kismayo

Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …

The Most Unforgettable Moments in Kismayo Read More »

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.