Waxaad xiiseysaa geeraar jaceyl gaar ahaan kuwo romantic ah misana top ah, hadaba waxaad joogtaa halka saxada ah. Sida loogu geeraaro qofka aad jeceshahay ama aad ka heshay waa wax fudud, boggeena ayaad ku baran kartaa.
Sidoo kale haddii aad xiiseyneyso erayo jaceyl ah, waxaan boggeena kuugu diyaarinay erayo romantic ah oo qalbiga soo jiidanayo. Hadaba sidee loo qoraa geeraar jaceyl ah qaasatan mid soo jiidasho leh?
Jawaabta: waa mid fudud.
Aan kula wadaagno qormadii ugu horeysay ee ku saabsan geeraaro jaceyl ah oo weliba xul ah. Fadlan haddii aad ka hesho caawi boggeena oo sii faafi lana wadaag asxaabtaada. Waan kaaga mahadcelineynaa taageeradaadaa! Anagana waxaan had iyo jeer kula wadaago geeraaro kuwii ugu dambeeyay oo romantic ah.

Geeraar jaceyl oo xul ah
- Laba dhoof ku kala maqan
- Midba dhinac ku noolyahay
- Isku Qaba jaceyl dhab ah
- Dhambaal leysku diro
- Dhiiri galin ku wada nool
- Dharaarteey kulmayaan
- Soo dhawee Allahayow
Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah
- Hamigii nafteydaay
- Haween boqoradeedaay
- Haasaawe taan wadaagnee
- Hami guur u qaaday
- Hooy inaan wada galnoo
- Hanad ii xanbaartaan
- Haminayaaa macaaneey
- Hadal aan dhameeyee
- Howsha ila qabo oo
- Hamigeyga ii rumee
- Haween boqoradeedaay
- Hubaal waan ku sugayaa
- Hanti tan Ugu qaalisaney
- Hadal aan dhameeynee
- Howsha ila qabo oo
- Hamigeyga ii rumee
Geeraar Jaceyl romantic ah
- Kalgaceyl ma ku wada aqal galnaa
- Caashaqana wada doogsanaa
- Muxibada ma wada diirsanaaa
- Dareenka maku wada dalxiisnaa
- Farxadda ma wada daadaheynaa
- Danta meel ma u wada jiheynaaa
- Jaceyl ma wada xusnaaa
- Habeen, maalin iyo xili walbaaa?
Geeraar Jaceyl soo jiidasho leh
- Macaneey noloshu la,aantaa
- Waa Pizza bilaa jiis ah
- Noloshu la,aaantaa
- Waa Baasto bilaaa suugo ah
- Quruxeey noloshu la,aantaa
- Waa bariis bilaa moos ah
- Qalbiyeey noloshu la,aantaa
- Waa bilaa dhadhan
- Waan ku jeclahay.
Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii koowaad
- Qurux lagu daray hanaan
- Heybad lagu helo amaan
- Aqoon lagu saday hafnaan
- Naxariis hiil iyo mudnaan
- Hodannimiyo gacan furnaan
- Milgeyn hooyiyo samaan
- Canabaa hablaha dhamaan
- Aduunyada u ah hoggaan.
Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii labaad
- Hadii shinidu Ogaan lahayd
- Macaanka labadaada dibnood
- Malabka weey ka soo tagi lahayd
- Oo dibnahaaga ayeey ku noolaan lahayd
Geeraar kalsooni jaceyl ah oo macaan
- Hamigii nafteydaay
- Haween boqoradeydaay
- Haasaawe taan wadaagnee
- Hami guur u qaaday
- Hooy in aan wada galnoo
- Hanad ii xambaartaan
- Haminaayaa macaaneey
- Hadal aan dhameeye
- Howsha ila qabo oo
- Hamigeyga ii rumee
- Haween boqoradeydaay
- Hubaal waan ku sugayaaa
- Hanti tan u qaalisaneey
- Hadal aan dhameynee
- Howsha ila qabo oo
- Hamigeyga ii rumeeey.
Qish baro gabdho Somali ah oo guurdoon ah
Geeraar Jaceyl oo calaacal ah
- Garab baan kaa rabaa
- Gacal aan wadaagnoo
- Galabtii alle keeno
- Garbahaan isku hayaa
- Gargaar ii fidi
- Haddaan ku waayo habeenkii
- Hurdo waan ka quustaa
- Harsina warkeed daa
- Halbowlihii dhiigga sidey iyo
- Hungurigaa I istaagey
- Hamuun baa ii heysee
- Hal mar ii imow
- Adaan kuu hilboobee
- Intaan iilka lay dhigin
- Intaan alwaaxa laygu xirin
- I saar sambabada agtoodiyo
- Saableyda caloosha
- Si uun aan u maqsuudo
- Sahal ma ahan caashaq
- Sidaan ha ii gelin
Geeraar caashaq ah
- Sahal maahan caashaqu
- Mar hadduu ku saaqo
- Wadnahana surnaado
- Suuradaada wacan baa
- Saqda dhexe habeenkii
- Sahwi baan dareemaa
- Siduu ii saaqay daranaa
- Sida aan u surnaa
- Saqdi dhexe habeenkii
- Barbarkaan u jiifsado
- Baryo ka soo kici maayo
- Bogga iyo calooshiyo
- Beerkaa la iiga badan yahay
- Bartaada hadaan arko
- Bisha afar iyo tobnaad baa
- Ber walba ku moodaa
- Bilicdaada wacan baa
- Bartamaha habeenkii
- Bilicsami u eegaa
Qish halkaan ka baro: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Geeraar Jaceyl qof kugu cusub
- Haddaan hawada kaa arkey
- Hungurigii oo idil
- Hami waan u waayey
- Hilow caahaq baan hiigsadaa
- Ma hurdo habeenkii
- Halbowlihii dhiigga wadey iyo
- Hagihii nafteydaa adigaan kuu hibeeyee
- Haddan adiga ku helin
- Hubaal waxaa ah
- Hambalyaan iska daayee
- Harsi waan ka sabrey
- Iyo hurdo habeen oo idil
Halkaan waxaan ku diyaarinay: Erayo naxariis badan oo jacayl ah
Geeraar murugo ah
- Markii aan ku waayey
- Midigteydi baa luntey
- Marxabeyn iska daayee
- Murug baan dareemey
- Macnahaasi maan garan
- Ma caashaq baa I helay
- Ma hogaan baan rabaa
- Ma adigaan ku tabey
- Marxaladaan joogo
- Ma qiyaasi karaayo
- Marxuum in aan ahay
- Mugdi inaan ku jiro
- Marqaati looma haabno
- Midig caashaq ii fiiri
- Mar haddaan ku waayo
- Mugdi baan dareemaa
Geeraar amaan jaceyl ah
- Dahab baa lagu moodaa
- Hadduu ruux ku daawado
- Kaama daayo eegmada
- Danihiisa wuu gabaa
- Da,yar wacan inaad tahay
- Dadkaan u sheegaa
- Daliil looma baahna
- Da,yartii qurxooneyd
- Dadku eegi waayeen
- Dahab la mood inaad tahay
- Daah igama saarna
- Dooq haduu jiro
- Da,yar loo qaado
- Dad kale uma qalmo
- Doolar iyo diinaar
- Inta hanti dunidaan taalo
- Adigaa ka door roon
- Damqashada jirkeygaan
- Weli wuu dareemaa
- Daacad wacan inaad tahay
- Dadkoo dhan wey yaqaanaan.
Warqaad badanaa ninku qormo xiiso leh
Geeraar caashaq oo amaan ah
- Haddii dumar asluubiyo
- Dabci fiican leedahay
- Dulqaad tii u dhalataay
- Dadnimadiyo sharafta
- Duco waalidkeyda
- Tii loogu daray
- Daacadnimo waxaa hela
- Danahooda taam noqon
- Duulkii Illaah iyo
- Diintiisa caabuda
- Dariiqii Rasuulkana
- Aan dacalka dhaafine
- Taa waxaan ugu danleeyahay
- Waa maalmo aduunyaduye
- Dumar taan ka doortaay
- Ilo garo danteenoo
- Dowoga toosan ii raac
What is the most populated city in Somalia?
The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …
Top 5 Historical Places in Mogadishu
Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …
The Tomb of the Unknown Soldier in Somalia
One of the best places to visit in Mogadishu is the The Tomb of the Unknown Soldier in Somalia. Mogadishu is a city in Somalia that has seen a lot of violence in the past. However, there is also a lot of history and culture here. One of the most interesting places to visit is …
The Most Memorable Vacation in Mogadishu Yet!
Vacation in Mogadishu is a must-do in your travels in Somalia. The city is a beautiful mix of old and new, and there are plenty of things to do and see. One of the best things to do is to wander around the old city, with its colourful mosques and winding streets. The city also …
The Best Places to visit in Hargeisa 2022
All the best Hargeisa travel tips including things to do in Hargeisa, Best Places to visit in Hargeisa, Top Somaliland attractions, accommodation in Somaliland and everything you need to plan a trip to Somaliland. The largest city and capital of Somaliland is called Hargeisa. It is situated in the Horn of Africa’s Maroodi Jeex area. …
The Most Unforgettable Moments in Kismayo
Planning to visit Kismayo, Somalia? These travel tips, photos and destination advice will help you plan your trip to Kismaayo, Jubbaland. In Somalia’s southern Lower Juba (Jubbada Hoose) province, Kismayo or Kismaayo is a port city. It serves as the autonomous Jubaland region’s business hub. The city is located close to the mouth of the …