Habeen wanaagsan: U dir lamaanahaaga fariimaha nuucaan ah: Sida loogu diro erayo ama fariimo jaceyl oo habeen wanaagsan ah gaar ahaan kuwo romantic ah.
Fariimo marka aad u dirto lamaanhaaga uu caawa oo dhan adiga kaa fikirayo.

Erayo jaceyl oo romantic ah gaar ahaan kuwo habeen wanaagsan ah
Caawa oo dhan ayaad u sheekeyneysay lamaanahaaga, sheekaduna waxay ahayd mid xiiso leh, waxaaad isu direyseen fariimo jaceyl oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo romantic ah. Ugu dambeys waxaad rabtaa in aad sagootiso kuna dhahdo habeen wanaagsan gacaliso ama xabiibi. Hadaba su’aashu waxay tahay sidee loo sagootiyaa lamaanaahaaga?
Jawaabta waa mid fudud.
Sida caadada ah waxaan kuu soo diyaarinay erayo jaceyl ah oo qalbiga lamaanahaaga xusuus gaar ah ku reebayo. Haddii aad u dirto eraydaan waxaan hubaa in lamaanahaagu uu habeenkaasi uu u hurdayo si aanan caadi ahayn. Sida aan ogsoonnahay qof walbaa oo inaga mid ah marka uu qof si dhab ah u jeclaado wuxuu doonayo in uu soo jiito qofkaasi, hadaba sida qofka loo soo jiito uma baahno erayo tiro badan, kaliya erayo gaaban oo xusuus leh, sida erayadaan soo scodo oo kale..
Erayo jaceyl oo habeen wanaagsan ah weliba romantic ah

Kahor intaanan seexan, waxaan ka fekeraa sida aad nolosha uga dhigto mid macno badan iyo sida aan nasiibka ugu leeyahay inaan adiga ku haysto. Waxaan rajeynayaa inaan kugu arko riyooyinkayga.
Maalin kasta oo aan kula qaato waa maalinta ugu cusub noloshayda, waa maalinta ugu farxada badan: Si fiican u seexo, adigoo ku riyoonayo riyooyinka kuwa ugu macaan. Hurdo caafimaad leh nolosheyda.
Waxaan kuu rajaynaya riyooyinka ugu macaan markaad huruddo. Habeen wanaagsan jacaylkayga.
Waxaan rajeyneynaa in aad si fiican isugu diyaarisay hurdada weliba adigoo aniga iga fikirayo. Hadaba aan ku kulano riyada, macaan badan.
In yar aan ku mahadnaqno maalinta aan wadaagnay, waxaana si dulqaad leh u sugayaa waxa berrito ah. Hurdo wanaagsan, kuna soo toos caafimaad wanaagsan.
Sida maalintu ay habeen isugu beddesho, welwelkaaga ka ilaali. Indhaha xiro oo seexo; waqtiyada wanaagsan oo dhan adigaa iska leh inaad ilaaliso. riyo macaan iyo hurdo wanaagsan.
Waad ogtahay inaad jacayl ku jirto marka aadan seexan karin sababtoo ah xaqiiqadu waxay ugu dambeyntii ka fiican tahay riyadaada. ” – Dr. Xabeeb
What is the most populated city in Somalia?
The most populated city in Somalia is Mogadishu, which is also the capital and largest city of the country. As of 2021, the estimated population of Mogadishu is around 2.5 million people. The most populated city in Somalia Mogadishu is not only the most populated city in Somalia, but Mogadishu is a city with a …
Top 5 Historical Places in Mogadishu
Historical places in Mogadishu, the capital city of Somalia, has a rich history and cultural heritage that is reflected in its architecture and historic sites. However, due to decades of conflict and instability, many of these sites have been damaged or destroyed. Despite this, there are still a few historic places in Mogadishu that are …
The Tomb of the Unknown Soldier in Somalia
One of the best places to visit in Mogadishu is the The Tomb of the Unknown Soldier in Somalia. Mogadishu is a city in Somalia that has seen a lot of violence in the past. However, there is also a lot of history and culture here. One of the most interesting places to visit is …
Habeen wanaagsan, hurdo caafimaad leh, ma sugi karo inaan arko dhoola cadeyntaada subaxdii, maxaa yeelay waxay ifisaa maalinteyda.
Habeenkii oo dhan waan soo jeedi karaa anigoo adiga kaa fikiraya, laakiin halkan waa inaan rajaynayo inaan ku helo riyadayda. Hurdo wanaagsan gacaliso/gacaliye.
Markaad huruddo, oo aad indhaha isku xirto ka feker in aan laabta kugu hayo. Waxaan kuu rajeyneynaa hurdo iyo habeen cajiib ah.
Qish: Su’aalaha akhristayaasheena ugu badan. Sidee ku noqon karaa akhristaha ugu horeeyo ee akhristo erayada jaceylka ah kuwii ugu dambeeyay ee aan qorno?
Jawaabta: Riix halkaan oo geli emailkaaga, kadibna waan kuu soo diri doonaa. Halkaan ka baro fariimo jaceylka iskana diiwaan geli
Fariimo jaceyl oo habeen wanaagsan ah

Qoraxda ileys baad ka heshaa, dayaxa iftiin baad ka heshaa, anna waxaan kuu hibeeyay qalbigeyga. Habeen wanaagsan nolosheyda.
Casarku markuu gaabto, cadaantu gudcur noqoto, cashadadaan kula wadaagiyo, caweys aan kula caweeyo, culeys iyo caajis oo dhan, sow caraaba kuma idhaahdoo, farxadaada iyo qosolkaaga, ima cajab geliyaan quruxeey. Hurdo wanaagsan qaali.
Jaceylku qabyoobi maayo, nasiibku qaloocan maayo, dadaalku khasaari maayo, wixii aan kuu qalmeyn aniga kuu quuri maayo. Habeen wanaagsan gacaliso/gacaliye.
Xusuusnow adigu ma tihid boqoradeyda/boqorkeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay hantida aan gaarka u leeyahay. Hurdo wanaagsan boqoradeyda/boqorkeyga.
Haddii aan adiga laabteyda kugu heysto uma baahni wax kale maxaa yeelay maba jiraan wax qurux badan taa. Waxaan kuu rajeyn habeen wanaagsan oo qurux badan qaali.
Sida loo dhaho habeen wanaagsan gacaliso

Ma joojin karo in aan adiga kaa fikiro maxaa yeelay waxaad camiratay qalbigeyga. Habeen wanaagsan gacaliso.
Markii ugu horeysay ee aan ku arkay waad isoo jiidatay, markii ugu horeysay ee aan kula kulmay waxaad noqotay. saaxibadeyda/saaxibkeyga, markii ugu horeysay ee aan kuu xiisayna waxaad noqotay jacaylkeyga. Hurdo macaan gacaliso.
Nolosheyda waxaan u dhoola cadeeyay dad badan laakin markii ugu horeysay ee aan adiga ku arkay qalbigeyga adigaaa la wareegay, wuuna dhoola cadeeyay markii ugu horeysay. Habeen wanaagsan qalbi.
Waxaa ii muuqda aragaaga farxada leh, indhahaaga quruxda badan ee ku haboon daawashada kuwaasoo eegaya fariintaan, halka iftiinka taleefoonka uu haayo jirkaaga quruxda badan ee dhalaalaya isla markaana timahaaga dhaadheer ay ku fidsanyihiin dhabarkaaga. Waxan rajeeyaa inaan halkaas kula joogo. Habeen qurux badan oo wanaagsan nolosheyda.
Sida loo dhaho hurdo wanaagsan xabiibi

Maalin kastaa adigaan kuu xiisaa. Saacad kastaa adigaan kuu baahanahay. Daqiiqad kastaa adigaan ku dareemaa. Ilbiriqsi kastana adigaan ku rabaaa. Hurdo wanaagsan xabiibi.
Habeen kastaa ka hor intaanan seexan waxaan ku heesaa xarafka aan ugu jecelahay alifbeetada “L” Habeen wanaagsan macaane. (Ka bedel xarafka L oo geli xarafkaga magaca lamaanahaaga).
Waxaa tahay boqorkeyga, iftiinkii indhaheyga, nuurkii qalbigeyga, waanku jeclahay mcn, hurdo wanaagsan iyo habeen qurux badan baan kuu dhaafay xabiibi.
Xusuusnow adigu ma tihid jaceylkeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay jiheeyaheyga. Habeen wanaagsan jiheeyaheyga.
Fariimo jaceyl oo qalbiga ku harayo
Sida deg dega ah ee iftiinka qoraxdu u nuuriso maalintii, ayaynu wadajir u noqon doonnaa mar kale, ma sugi karo qalbi in aan habeeno wanaagsan oo qurux adiga kula qaato.
Qaali ha rajo dhigin, maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo. Hana iloobin mar aan dheereyn in aan kulmi doono oo aan nolosha wadaagi doono. Hurdo wanaagsan rajadii nafteyda.
Waxaa tahay qofka aan ugu jecelahay dunidaan, waxaa tahay iftiinka aan u gudbiyo qalbigeyga, hurdo wanaagsan, waan ku jeclahay.
Indhaha xidiga ku haay, maankana rajada ku haay, qalbigana jacaylkeyga. Hurdo wanaagsan nuurkii qalbigeyga.
Neecaaw ideeqdiyo, naftu ruuxey jamatay, nafaqadii kalgacalkaay, nabad iyo caafimaad ku nagaado, ku seexo oo kuna soo toos insha Allah. Hurdo wanaagsan.
Waxaa tahay jacaylkeyga, waxaa tahay qofka maamulo qalbigayga. Sidoo kale waxaa ii tahay wax walbaaa. Hurdo wanaagsan aduunkeyga.
Habeen wanaagsan sms jaceyl oo ay lamaanuhu isu diri karaan

Waxaan had iyo jeerba ku raaxaystaa nuurka jacaylkaaga, waxaan ku kalsoonahay kalgacaylku inuu gaaro qalbigaaga. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.
Mar kastaa oo aan ka fekero sida aan adiga kuu ahay iyo sida aad adigu ii tahay, waxaan dhadhamiyaa dareenka ugu macaan, waxaaana dareemaa inaan ahay qofka dunida ugu nasiibka badan. Hurdo wanaagsan qalbi.
Qalbigu wuu kuu xiisaa weliba si xad dhaaf ah, marka fadlan aan ku kulano riyada mideeda ugu macaan. Hurdo wanaagsan riyadeyda.
Dhoolacadeyntaadu aad bay ii soo jiidaneysaa, murugadaadan aad bay ii dhibeysaa. Sidaa darteed waxaan u baahanahay inaan arko adigoo faraxsan habeen iyo maalin. Hurdo wanaagsan.
Gacaliye/Gacaliso waxaad si joogto ah ugu jirtaa qalbigeyga. Aad bay iigu adag tahay inaan habeenadaan quruxda badan ku hoydo la’aantaa. Adigaan hadda kaa fekerooyaa! Habeen wanaagsan.
Inaad tahay nin/naag wanaagsan ka sokow, waxaa kuu sii dheer inaad tahay nin/naag macaan oo ku haboon in la koolkooliyo. Habeen wanaaagsan ninkeyga/xaaskeyga.
Walbahaarka oo dhami wuu idaayaa markaan arko adigoo dhinaceyga joogto. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.
Halkaan ka baro Qormooyin kale oo xiiso leh oo af Somali ah
Gunta iyo Gunaadka
Haddii aad xiiseyneyso fariimo kale oo kuwaan ka cajiib ah halkaan iska diiwaan geli si aan kuugu soo dirno kuwa cusub. Halkaan ka baro fariimo jaceyl
Sidoo kale, waxaad inoo dhaafi kartaa comment si aan kaaga jawaabno su’aalaha gaarka ah ee aad qabto. Waaan ku farxi doonaa in aaan kaa caawino baahidaada.
Qoraa: Mustafa Mmj